La shaqeeynta qoysaska
Haddii aad tahay urur bulsheed ku saleeysan la shaqeeynta qoysaska, waxaa laga yaaba inay ku soo foodsaraan su’aalo ku saabsan sababta uu kindergartenku uu muhiim u yahay ama waxa ay howshu tahay. Hoos waxaad ka heli doontaa dhowr khayraad oo kaa caawini kara sida aad ku gaarsiin karto qoysaska warbixinta ku saabsan isdiwaangelnta, ama ka jawaabaya su’aalaha laga yaabo inay qabaan ama kuwa uu ururkaagu qabo. Dhammaan ilahaan hoose waa u bilaash adiga iyo ururkaaduba inaad isticmaashaan.
- Goormaan diiwaangeliya cunugayga? Dokumeentigaani waxa uu ka caawinaya qoysaska inay ogaadaan talaabooyinka ay u baahan yihiin inay qaadaan iyo goorta si ay caruurtooda ugu diiwaangeliyaan waqtiga kindergartenka
- Maxay iska diiwaangelinta Kindergartenku muhiim u tahay? Qoysaska waxaa laga yaaba inay qabaan su’aalo ku saabsan sababta ay muhiimka u tahay in kindergartenka waqtigiisa la iska diiwaangeliyo, dokumeentigaani waxa uu ka caawini doona inuu ka jawaabo su’aalahaas iyo ka caawiyo adiga iyo ururkaadaba inaad si fiican u fahantaan faa’iidooyinka waqtiga isdiiwaangelinta.
- Sidee ugu sheegi karaa macluumaadkan waalidiinta? Hoos waxaa ku yaal dhow ilood oo kaa caawni kara inaad siyaabo kala duwan ugu sheegto waalidiinta. Fadlan ha ka xishoon inaad isticmaasho ilahaas inta aad jeceshahay, iyo hababka aad isleedahay wey ugu macquulsan yihiin ururkiina. Waa bilaash isticmaalkooda!
- Qalabka fidinta: dokumentigaan waxa uu bixinayaa fariimo la sii qoray oo ku saabsan diiwaangelinta Kindergartenka oo ku haboon ku qoridda warsidayaasha, website-yada, qodobada hadalo oo loo isticmaalo waalidiinta, iyo fikrado ku saabsan isticmaalka warbaahinta bulshada (Facebook, Twitter, Instagram)
- Boorarka Webside-ka: fadlan si xor ah ugu isticmaal wax kasta oo boorarkeena website-ka ururkaada. Waxay si toos ah u xiriirin doonaan dib ugu celinta luqada u dhiganta website-kaas (example: the web banner in Korean will link to KRegNow.org/Korean)
- Warqadaha xayeeysiinta: Kuwaan waxaa lagu heli karaa waraaq buuxda ama mid bar ah iyagoo ah. Kuwaas waxaa la daabacan karaa iyagoo midab ama madow iyo caddaan ah, oo ah boodhadh waaweyn, ama cabiro yar yar iyo warqadaha boostada.
- Qalabka fidinta: dokumentigaan waxa uu bixinayaa fariimo la sii qoray oo ku saabsan diiwaangelinta Kindergartenka oo ku haboon ku qoridda warsidayaasha, website-yada, qodobada hadalo oo loo isticmaalo waalidiinta, iyo fikrado ku saabsan isticmaalka warbaahinta bulshada (Facebook, Twitter, Instagram)